Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Diyaarad yar oo siday shaqaale caafimaad ayaa ku burburtay deegaan Githurai ee dariska la ah caasimada Kenya, galabnimadii Khamiista, waxaana ku dhintay ilaa Lix qof sida ay wakaalada wararka reuters kasoo xigatay masuuliyiinta deegaanka.
Diyaarada Cessna oo maamusho dhakhaatiirta duulimaadka AMREF ayaa ku wajahnayd Magaalada Hargeisa ee caasimada Soomaaliland, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay hay’adda gargaarka.
Gudoomiyaha Ammaanka Kiambu Henry Wafula ayaa sheegay afar qof oo saarnaa diyaarada iyo laba qof oo dhulka ku sugnaa ayaa ku dhintay shilka.



