M/W Cirro ”Soomaaliya waa ku jabaysaa haddii ay Somaliland kusoo duusho”

0
11

Arbaco 14 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada in Soomaaliya ay ku jabayso haddii ay kusoo duusho Somaliland

”Soomaaliya haddii ay kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland sidii barigii hore ugu jabtay duulaankeedii si ka xun bay ugu jabi-doontaa, reer Somaliland waa u diyaar difaacidda dalkooda” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu warqada uu u qoray ra’iisul wasaaraha Israa’iil mid lamid ah uu u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, uusana midkoodna u soo jawaabin.

“Warqada aan u qoray Ra’iisul mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, midkoona iima soo jawaabin , balse rabitaanka shacabigeyga waxaa ka soo jawaabey Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here