Maamulka Galmudug oo soo saaray amar lagu xakameynayo hubka.

0
6

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan la-wareegidda hubka loo adeegsado dambiyada ka dhanka ah nabadgelyada guud, kaddib marka ay maxkamaddu xukun ku riddo dambiilaha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan-gelayo, islamarkaana uu ka tarjumayo masuuliyadda dastuuriga ah ee Wasaaraddu ka saaran tahay sugidda amniga guud iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in hub kasta oo loo adeegsado fal dambiyeedyo wax u dhimaya nabadgelyada muwaadiniinta Galmudug, hantidooda iyo sharaftoodaba, laga la wareegi doono dambiilaha marka ay maxkamaddu xukun rasmi ah ku riddo.

Sida lagu caddeeyay amarkan, marka xukunka maxkamaddu dhaqan-galo, hubkii lagu galay dambigaas waxaa si rasmi ah maxkamaddu ugu wareejin doontaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug, si looga hortago in mar kale loo adeegsado falal amni-darro ah.

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso amarkan, oo ay ku jiraan laamaha amniga iyo garsoorka, in ay si buuxda u fuliyaan amarkan, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo kala dambeynta bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here