Maamulka Gobolka Hiiraan oo eedeyn u Jediyay Hay,adda {NIRA}

0
44

Sabti 31, May 2025 {HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu si rasmi ah u Cambaareynayaa iskudayada sharci-darrada ah ee (𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗶𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 ) Ee aay ka waddo gudaha gobolka hiiraan Isku Dayadaan waxay halis weyn ku tahay xasilloonida Gobolka, wadajirka bulshada, iyo hay-kalka Doowladnimada.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu si cad u muujinayaa in (NIRA) aay ku kacday tallaabooyin iskudayo ah ee aan laga tashan, oo aan waafaqsaneyn nidaamka maamul iyo sharciga u yaalla Heerarka dowladnimo ee Dalka.

Hadaba hayadda NIRA waxey isku deyeeysaa, Iska horkeenidda iyo kala qeeybinta bulshadda, sidoo kale hay’addu waxey ka shaqeyneysaa inay si aan Waafaqsaneyn nidaamka u fuliso howlo muhiim ah sida hergelinta xafiiska iyo xulashada Howl-wadeenada hay’adda ee Gobolka Hiiraan, iyadoo aan marnaba lagala tashan maamulka gobolka, si loo wafajiyo habraacyadii loo baahna .

Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu si cad uga Digayaa sii socoshada tilaaboyinkaas qar iska Tuurnimada ah, waxuuna cadeeynayaa in wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha iskudayadaas aan u hiilineeyn sii socoshada hormarka iyo nidaamka wadashaqeyneed , ee masuuliyadeeda si cad u qaadeeyso madaxda Hay’ada iskudayadaas sharciga baal marsan.

Ugu dambeeyn Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ilaalinayaa mas’uuliyadda ka saaran bulshada ku nool gobolka Hiiraan, waxuuna soo Dhaweey-nayaa tilaab kasto oo si sharci ah loogu qaadayo dhanka hormarinta daadajinta dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here