21 Janaayo 2024,{HMC} Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Hirshabelle waxay si guul leh u fulisay wacyigelin ballaaran oo ku saabsan fatahaadaha, abaaraha, iyo maareynta halista masiibooyinka, taasoo laga hirgeliyey ilaa Dhowr tuulo oo ka tirsan degmooyinka Beledweyne, Bulo Burte, iyo Jowhar.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ahayd in la xoojiyo diyaar garowga bulshada iyo adkeysiga iyada oo loo marayo kor u qaadidda fahamka ku saabsan nidaamyada digniinta hore, xeeladaha dhimista halista, iyo tallaabooyinka badbaadada inta lagu jiro masiibooyinka dabiiciga ah.
Si kor loogu qaado Xoojinta awoodda bulshada, Kordhinta diyaar garowga masiibooyinka iyo Dhiirrigelinta adkeysiga Hirshabelle




