spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maamulka Khaatumo oo Doowlada Fadaraalka Baaq Udiray

Maamulka Khaatumo oo Doowlada Fadaraalka Baaq Udiray

0
136

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Shir deg deg ah oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku yeesheen golaha fulinta ee maamulka Khaatumo ayaa laga soo saaray go’aanno muhiim ah oo ku socda dowladda federaalka iyo xildhibaannada Khaatumo kasoo jeeda.

Shirka ka dhacay Laascaanood oo looga arrinsanayay arrimo ay kamid yihiin amniga , difaaca iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaa gabo gabadiisa laga soo saaray baaq ku socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada shirka kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in shacabka Khaatumo isku tashadaan iskana difaaacaan cadowgooda, waxaa sidoo kale xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Khaatumo loogu yeeray in shir wadatashi ah u yimaadaan Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gutaan waajibaadka dastuurkiga ah ee leeyihiin shacabka Khaatumo , kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Shirkan deg dega ah ee ka dhacay magaalada Laascaanood iyo go’aannadan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada uuna ka reebay maamulka Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here