Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo Weerar ku Qaaday Fariisimo AS.

0
80
Jimco 5 May 2025 {HMC} Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta Al shabaab ku weeraray deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in ku dhowaad 10 kamid ah kooxda Al shabaab ay halkaas uga dileen, iyagoo kasoo furtay in ka badan 10 qori, waxaana si buuxda looga hortegay dhagartii ay halkaas kasoo maleegayeen.
Aaggii uu howlgalkaasi ka dhacay ee Khawaarijta lagu weeraray waxaa ku sugan Ciidamada Deegaanka ee gobolka Hiiraan, waxaana weli la sii baacsanayaa firxadkii Al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here