Jimco, 11 July 2025 {HMC} Macwisleeyda Hiiraan oo Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Dhurwaale oo hoostago deegaanka garasyaani ee Dagmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
6- kamid ah maleeshiyaadka AS ayaa lagu dilay Howlgalka waxaana la furtay hubkii ay wateen waxaana goobta ka baxsaday hal xubin oo ka tirsan AS sida ay sheegeen ciidamada howlgalka Fuliyay.
Howlgalkan ayaa noqday howlgalkii ugu weynaa ee qorsheysan ee mudoyinkan ay fuliyaan Ciidamada Macwisleeyda Gobolka Hiiraan.



