Arbaco 25 March 2026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Maxamed Axmed oo Warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay in uu kulamo wadatashi ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolkaas.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa waxa danta u ah dhinac amni iyo mid siyaasadeed ee Gobolka Bakool maadaama Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ay u kala qaybsameen Dowladda Federaalka iyo Maamulkaas.
Guddoomiyahaan oo dhowaan si cad u sheegay in Gobolka Bakool uu ku shaqaynayo amarka Maamulka Laftagareen oo keliya balse haatan waxa uu baddelay mowqifkaas isaga oo ku sababeeyay in uu watashiyo sameeyay.
“Waxa aan u tanaasulnay Shacabka Bakool ee Abaaraha & Xaaladaha adag wajahaya, waxa aan usoo jeedinayaa in loo hoggaansamo Awaamiirta Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Axmed
Ma jiro war kasoo baxay dhanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo looga jawaabay mowqif baddelka ku yimid Guddoomiyaha Gobolka Bakool, waxaana dhanka kale socda kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacaya deegaanno kala duwan.
La soco wixii kasoo kordha



