spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxda Dowladda Federaalka oo kulamo gaar ah kawada Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka oo kulamo gaar ah kawada Muqdisho.

0
10

isniin 23 Feb 2026 {HMC} Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa kulamo gar gaar ah kawada Magaalada Muqdisho si ay uga arrinsadaan qodobada labada dhinac ay is hor dhigeen wadahadalkoodii shalay oo aanay jirin war rasmi ah oo kasoo baxay.

Mucaaradka ayaa Dowladda Federaalka hordhigay dood la xiriirta in ay qabato Doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed si Madaxda haatan maamusha ay u helaan muddo xileed dastuuri ah.

Dowladda Federaalka oo ka gaabsatay in ay arrintaas ka hadasho ayaa dhankeeda mucaaradka hordhigtay arrinta ku saabsan sidii loo dhammaystiri lahaa Doorashada Dowladaha Hoose ee Dadweyne ee Muqdisho laga qabtay 25kii December 2025.

Labada dhinac ayaa u baahday wadatashi dheeraad ah iyada oo xalay waqti dambe ay soo gaareen kulamada gaar gaarka ah, waxaa lagu wadaa in maanta uu war kasoo baxo dhinaca Mucaaradka oo la xiriira wadahadalkii ugu dambeeyay iyo mowqifkooda.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda laga sugayaa in ay war kasoo saarto arrimaha taagan, meesha la kala joogo iyo haddii markale uu qabsoomayo wadahadal kale sida ay muujinayaan xogaha la helayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here