Khamiis 12 March 2026 {HMC} Kulan gaar ah oo saddex geesood ah ayaa dhexmaray Madaxda sare ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, xilli dagaal iyo colaado taagan yihiin gobolka Bariga Dhexe.
Shirkaan oo si gaar uga qabsoomay Hoyga Madaxweynaha Jabuuti ayaa ahaa mid saacado socday oo la xiriiray wadatashi ku saabsan caqabadaha wadajirka ah ee ka jira gobolka iyo gaar ahaan xoojinta Iskaashigooda.
Intii uu socday kulanka, madaxdu waxay ka doodeen xaaladda nabadgelyo iyo amni ee gobolka, horumarinta is-dhexgalka dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika, iyo arrimo wadajir ah oo muhiim u ah saddexda dal.
Sidoo kale waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee ka taagan gobolka iyo sida dalalku isaga kaashan karaan xallinta caqabadaha jira.
Qoddobada miiska saarna ee laga dooday ayaa waxaa kamid ahaa colaadda ka socota Bariga Dhexe iyo saameynta dhaqaale ee ay ku yeelan karto gobolka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha.
Sida ay baahiyeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti kulanka ayaa lagu gaarey isfahan, iyadoo lagu dajiyay jihada cusub ee istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka dalalka Geeska Afrika.



