Jimco, 11 July 2025 {HMC} Hadal ka soo yeeray madaxii hore ee sirdoonka Sacuudi Careebiya Turki al-Faisal ayaa hadal weyn ka dhex abuuray baraha bulshada, ka dib markii uu madaxda reer galbeedka ku eedeeyey ‘labo-wajiilenimo’ ku aadden mowqifkooda halista hubka nukleerka ee Iiraan iyo Israa’il.
“Haddii aan ku noolaan lahayn adduun caddaalad ka jirto, waxaan arki lahayn diyaaradaha Mareykanka ee B-2 oo bambooyin ku rusheynaya xarunta nukleerka Israa’iil lagu bacrimiyo ee Dimona iyo goobaha kale ee hubka halista ah u yaallo,” ayuu yiri Turki Al-Faisal.
Turki oo maqaal ku qoray wargeyska The National, ayaa intaas ku daray: “Israa’iil waxay haysataa qumbulado nukleer ah, taas oo xad-gudub ku ah Heshiiska Xakameynta Nukleerka; weligeedna ma sixiixin Axdiga xakameynta hubka halista ah, si ay uga weecato kormeerka Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA). Illaa hadda ma jirto cid ka warqabta warshadaheeda nukleerka.”
Mar uu ka hadlayey kuwa u cududaara “weerarkii Israa’iil ay keligeed” ku qaadday Iiraan, iyagoo ku andacoonaya in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay ku hadaaqaan “burburinta Israa’iil,” Turki wuxuu xasuusiyey in ay “iska indho-tirayaan weeraha ka soo yeerayey Ra’isul Wasaare Benyamin Netanyahu oo tan iyo markii uu talada qabtay 1996-dii si aan gambasho lahayn ugu ololeynayey in la burburiyo taliska Iiraan.”
Turki Al-Faisal ayaa farta ku fiiqay waxa uu ugu yeeray “munaafiqadda reer Galbeedka iyo taageeradooda ku aadden weerarka gardarrada ah ee Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, iyo kan ay ku hayso Falastiin, wallow uu qiray in dalalka qaarkood ay hakiyeen taageeradii ay siin jireen Israa’iil.



