Sabti 11 April 2026 {HMC} Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa hadda gaaray Islamabad isaga oo la socda wafdiga Mareykanka, sida ay BBC u sheegeen ilo dhanka duulimaadka ah.
Waxaa la filayaa inuu ka qayb galo wadahadallo lala yeelanayo Iiraan galinka dambe ee maanta, isaga oo ay la socdaan ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo la-taliyaha Donald Trump, Jared Kushner.
Vance iyo kooxdiisa wada-xaajoodka ayaa ka ambabaxay Mareykanka iyagoo u socda Pakistan shalay. Kahor intuusan dhoofin, madaxweyne ku-xigeenku wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu “rajaynayo wadaxaajoodka,” balse uu ka digay in haddii Iiraan “ay isku daydo inay na khiyaamayso,” Mareykanku uusan si wanaagsan uga falcelin doonin.



