Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Ciro oo la shaaciyey Goorta uu Tegeyo Israa’iil Safarkiisa oo in badan la sugayey.
Wargeyska The Jerusalem Post ayaa ku waramay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, la filayo inuu booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ku tago Israa’iil dhammaadka bisha Maarso, sida ay sheegeen laba ilood oo arrinta la socda.
Warbaanta Israa’iil ayaa Sheegay Booqosho Rasmiya in Madaxweyne Cirro ku Tegayo Israa’iil bisha 3 xaad Dhamaad keeda.
Socdaalkan oo ah kii ugu horayey ee Madaxweynaha Somaliland u tago Dalka Ictiraafay Somaliland Israa’iil ayaa si wayn loo sugayey in mudo ah iyadoo laysku hayey wuu tagay oo Qarsoodi ayay ahayd iyo ma tegin.
Madaxwayne Cirro iyo wefti uu Hogaaminayo ayaa se ugu danbay u safri doona dalka Israa’iil Dhamaadka bidha macrh ee 2026.






