Madaxweynaha Algeria oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya.

0
82

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoomay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego), oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Algeria.

Munaasabadda waraaqaha aqoonsiga lagu guddoomay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Algeria, Maxamed Ataf.

Safiir Yuusuf Jeego ayaa sheegay inuu si hagar la’aan ah uga shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Soomaaliya iyo Algeria ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed, iyaga oo ka wada shaqeeya dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here