Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Wafdi oo ka socday Bangiga Aduunka

0
18

Jimco 16 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wafdi ka socday Bangiga Aduunka oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta mudnaanta leh ee dalka.

Wafdiga sare ee ka socday Bangiga Aduunka ayaa waxaa hoggaaminayay Mr. Qimiao Fan oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika sida Somalia, Kenya, Rwanda iyo Uganda.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo maamulaha Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Mr. Hideki Matsunaga.

Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saaray adkaynta xasiloonida dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kaabayaasha wadooyinka, tamarta, iyo isdhexgalka gobolada ee ku jira Hindisaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka, si loo hirgeliyo isbedelada dhaqaale ee dowladdu mudnaanta siinayso, islamarkaana loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

Wafdiga sare ee ka socday Bangiga Aduunka ayaa dhankooda balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, iyagoo xusay in Bangigu ka go’an tahay taageeridda dib u habaynta dhaqaale iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca iyo isku xirnaanta gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here