Madaxweynaha DFS oo maanta kulan isugu yeeray xildhibaannada iyo senetarada Labada Aqal ee BFS.

0
8

Khamiis 5 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta kulan isugu yeeray xildhibaannada iyo senetarada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhici doona madaxtooyada qaranka xilliga afurka, ayaa ujeeddadiisu tahay mid mahadcelin iyo is-xog-wareysi ah oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo meelmarinta Dastuurka.

Sida lagu sheegay farriin loo diray dhammaan Baarlamaanka, Madaxweynaha ayaa jeedin doona khudbad uu uga hadlayo ansixinta wax ka beddelka Dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadcelin doona Labada Aqal kaalintii ka qaateen hannaanka dhammaystirka dastuurka oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa.

Maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 4 Maarso, ayay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen wax ka beddelka Dastuurka KMG ah, taas oo soo afjartay hannaankii qabyada ahaa ee uu dastuurku ku jiray tan iyo sanadkii 2012.

Kulankan caawa ayaa ku soo beegmaya xilli Mucaaradka iyo maamulada qaar ay ka soo horjeedaan hannaanka ay Dowladda Federaalka u dhammeystirtay Dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here