Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in cutubyadii ugu horreeyay ee askarta Faransiiska ay gaareen jasiiradda Greenland, oo Trump uu ku hanjabay inuu qabsanayo.
Macron ayaa sidoo kale markii u horreysay si cad u sheegay in nabadda caalamka ay halis ku jirto, isagoo carrabka ku adkeeyay in Faransiiska iyo Yurub ay waajib ku tahay inay joogaan meel kasta oo danahooda lagu hanjabayo.
Wuxuu tilmaamay in askarta la diray lagu xoojin doono ciidammo dhulka, cirka iyo badda ah maalmaha soo socda, isagoo intaa ku daray ; “Waxaan ku noolnahay adduun ay soo baxayaan quwado carqaladaynaya xasilloonida…Yurub waxay wajahaysaa cadow ay marna filayn.”






