Madaxweynaha Israa’iil oo bogaadiyay weerarkii Israa’iil ee Dooxa

0
30

Khamiis 11, Sep 2025 {HMC Isaga oo ka hadlaya xubnaha Xamaas ee lagu bartilmaameedsaday weerarkii Talaadadii ka dhacay Dooxa ayaa madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog waxa uu sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwo laga ma maarmaan u ah “in dadka qaar laga meesha laga saaro haddii aysan diyaar u ahayn in ay heshiis helaan”.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay doonayso in dagaalka la joojiyo, waxaanu uu ku dooday in go’aanka Xamaas uu ku xidhan yahayin hal qof oggolaado ma diido taasi oo meesha ka saarayso suurtogalnimada heshiis la gaadho.

“Haddii aad rabto in aad hore u socotid, waa in aad meesha ka saartaa qaar ka mid ah dadka aan doonaynin in ay heshiis qaataan,” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here