Madaxweynaha Kenya oo cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaadday Dalalka Khaliijka Carabta

0
4

Isniin, 2 Maarso 2026 {HMC} Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa 48 saac kaddib ka hadlay weerarkii jawaabta ah ee Iiraan ay ku qaadday Dalalka Carabta kuwaas oo dhaliyay khasaara isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo hoos u dhac dhaqaale.

William Ruto oo u muuqda in uu indha-indhayn ku hayay xaaladda ka taagan Bariga dhexe ayaa ugu danmbayn cambaareeyay weerarka Iiraan ay ku beegsatay Dalalka Khaliijka Carabta sida Isutagga Imaaraatka Carabta, Qatar, Sacuudiga, Iraaq, Cumaan, Kuwait, Jordan & Baxrayn.

Waxa uu Xukuumadda Tehran iyo Dalalka kale ay is hayaan ee Maraykanka iyo Israa’iil oo xulufaysanaya waddamo badan xusuusiyay muhiimadda nabadda Bariga Dhexe ay u leedahay dunida inteeda kale maadaama goob muhiim ah ay tahay.

“Waxa aan si xooggan u cambaaraynayaa duqaymaha lagu beegsaday Imaaraatka, Qatar, Sacuudiga, Ciraaq, Oman, Kuwait, Jordan & Bahrayn, kuwaas oo ka dhashay dagaalka bariga dhexe, waxaa habboon in lawada hadlo si loo taageero nabadda iyo xasiloonida, Kenya waxa ay taageersan tahay dhabbaha nabadda lagu gaarayo” ayuu yiri MW Kenya, William Ruto.

Dalal badan ayaa muddo indhaha ka daawanayay dagaalka ka socda Bariga Dhexe ee billowgiisa ay ka dambeeyeen Israa’iil, Maraykanka iyo Dalal kale oo xulufo ah kaddib markii sabtidii 28ka Febaraayo 2026 ay duullaan toos ah ku qaadeen Dalka Iiraan.

Xukuumadda Tehran ayaa sida ay horay ugu hanjabtay waxa ay beegsatay Saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay Dalalka Carabta, waxaana maalintii saddexaad oo xiriir ah hakad ku jira maraakiibtii isaga gudbi jirtay Marin Hormuz & duullimaadyadii Diyaaradaha waddamo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here