Madaxweynaha Kenya oo u jawaabaayay Mareykanka ayaa yiri “Shiinaha ma kala hareeyno.

0
57

Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka jawaabay tallaabada Mareykanka uu dib u eegis ugu sameeynayo xulafada ugu weyn ee dalkiisa ee aan NATO ka tirsaneyn, isagoo sheegay in siyaasadooda arrimaha dibadda ay ku saleysan tahay waxa u wanaagsan Kenya.

Mr Ruto oo la hadlayay shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa difaacay xirriirka kobaca ganacsi ee uu la leeyahay wadamada sida Shiinaha oo kale, isagoo sheegay in hadafka maamulkiisa uu yahay in ay ka faaiideystaan wax soo saarka Kenya, isla markaana la saxo wixii horey u khaldamay.

Madaxweyne Ruto ayaa qiray in qaar ka mid ah xulafadiisa ay su’aal gelinayaan xirriirka kobcinta ganacsi ee u dhaxeeya Kenya iyo Shiinaha, balse waxa uu ku adkeystay in goaannada laga gaarayo tallaabooyinkan ay keenayaan baahida dhaqaale ee Kenya.

William Ruto ayaa yiri. “Qaar ka mid ah saaxiibadeena ayaa ka cabanaya in aan xirrir ganacsi oo ballaaran la leenahay Shiinaha, markii aan la kulmay madaxweyne Xi Jinping, waxaan u sheegay in Kenya ay Shiinaha ka soo dhoofsato alaab qiimahoodu yahay 600 bilyan oo shilin, balse keliya waxaan dhoofin karnaa malaha 5”

William Ruto ayaa intaa ku daray in Shiinuhu uu ogolaaday inuu suuqiisa u furo wax soo saarka beeraha Kenya.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo maqaamka Kenya ee ah xulafada ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneyn ee Mareykanka, bilo ka dib markii Kenya ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya saxaraha Afrika ee helay maqaam sharafeedkan.

Kenya ayaa meeqaamkan heshay intii lagu guda jiray Booqashadii Madaxweyne William Ruto ee Mareykanka bishii May 2024.

Maqaamkan, oo la siiyay Kenya 24-kii June 2024, wuxuu xoojiyay Kenya oo ah saaxiibka weyn ee Mareykanka ee Afrika iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga, iyo dhaqaalaha.

Kenya oo ah xulafo weyn oo aan NATO ka tirsanayn ayaa hadda halis ku jirta ka dib markii senetarka Maraykanka James Risch uu soo jeediyay wax ka beddel lagu sameeyay sharciga oggolaanshaha difaaca qaranka ee sanad maaliyadeedka 2026, kaas oo doonaya in dib loo eego maqaamka Kenya 90 maalmood gudahood.

Dib u eegista ayaa lagu qiimeyn doonaa siyaasadda dibadda iyo diblomaasiyadda Kenya sida la jaanqaadka Mareykanka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha, Ruushka iyo Iran.

Intaa waxaa dheer, dib u eegista waxaa sidoo kale ku jiri doona heshiisyada suurtagalka ah ee Kenya, xiriirka siyaasadeed ama dhaqaale ee ay la leedahay maleeshiyaad hubeysan sida al-Shabaab iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

Tallaabada sharciga ah ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo mustaqbalka ah ee xiriirka Wadamada Mareykanka iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here