Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaalad caafimaad darro galay oo aad udaran .

0
54

Jimco 2, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa xaalad caafimaad darro galay iyada oo la sheegay in uu wax ka tari waayay Kaniiniga loo yaqaan Aspirin oo si xad-dhaaf ah u isticmaallo kaddib markii dhaqaatiirtiisa gaarka ah ay u qoreen.

Warbaahinta ayaa si gaar ah hadal haysa arrintaan iyada oo soo xiganaysa ilo ku dhow qaybta caafimaadka ee Aqalka Cad halkaas oo daqiiqado badan ay si is daba joog ah u galayeen Dhaqaatiir bannaanka aqalkaas laga keenay.

Saraakiisha qaarkood ayaa hadalka wanaajinaya oo waxa ay Warbaahinta iyo baraha Bulshada ay ku kulmaan Bulshada si loo dejiyo dadka sida dhow uga welwelsan xaaladdiisa ee u dhashay Dalka Maraykanka oo helay xogo kala duwan.

Teleefishinka CNN ee Maraykanka ayaa sheegay in la qarinayo xogo badan oo ku gedaaman xaaladda Caafimaad, da’da oo ka dabatagtay & Make up (Budada jirka ka qarinaya nabarrada ka muuqda) oo si joogta u isticmaalo & in uu yareeyay meelaha qaar uu horay u tagi jiray.

Waxyaabaha ay Warbaahinta xaaladdiisa caafimaad ay uga deyrinayaan waxaa ah in Marka uu tago shirarka oo la khudbaynayo uu ku dhex hurdo taasi oo muujinaysaa in isbaddel jireed iyo mid caafimaadba uu jiro sida hadalka loo dhigay.

Aspirin waa kaniini dhiigga khafiifiya si aanay u xinjiroobin, waxaana ay dhaqaatiirtu sheegeen in looga cabsanayo in uu wadnaha ka istaago dhiigga balse xadka loogu talagalay in ka badan uu isticmaallo maalintii sida wararku sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here