Isniin 5, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo la xiriira xaaladaha gobolka iyo caalamka.
Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyagoo si gaar ah u adkeeyay in la taageero dadaallada lagu ilaalinayo madaxbannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Masar iyo Sacuudiga ayaa hoosta ka xarriiqay doorkooda wadajirka ah ee ay ka qaadanayaan xoojinta amniga gobolka iyo la-dagaallanka caqabadaha khatarta ku ah dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Madaxweyne Al-Siisi iyo Amiir Faysal bin Farxaan ayaa mar kale xaqiijiyay isku-waafaqsanaanta aragtidooda ku aaddan arrimaha gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafaadka ka taagan Suudaan, Yemen, Soomaaliya iyo Marinka Gaza.
Labada dhinac ayaa ku baaqay in wada-hadal, xasilooni iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah ay noqdaan saldhigga lagu wajahayo qalalaasaha ka jira gobolladaasi.



