spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Masar oo maanta gaaray Sacuudiga.

Madaxweynaha Masar oo maanta gaaray Sacuudiga.

0
7

Isniin 23 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Masar, Cabdi Fatax Al-sisi ayaa maanta gaaray Sacuudiga, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Jeddah uu ku soo dhaweeyay dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo la sheegay inay wada-hadallo yeelanayaan.

Booqashadan deg degga ah lama bixin faahfaahin la xiriirta waxa ay salka ku hayso,balse waxay ku soo aadday maalin ka dib, markii Sacuudiga iyo Masar warsaxaafadeed wadajir uga soo baxay ay ku diideen hadal ka soo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, oo ku baaqay inay Israa’iil la wareegto guud ahaan bariga dhexe, waxayna markaa dalbadeen inuu Mareykanka caddeeyo mowqifka hadalka, taa oo jirta Sacuudiga ,

 

wuxuu sidoo kale waan-waan ka dhex wadaa Itoobiya iyo Eritrea, xilli Abiy Axmed uu ku celiyay shalay inay Itoobiya ka go’antahay gaarista badda cas, taa oo ka dhigan wadahadal kasta oo hoggaamiyeyaasha Sacuudiga iyo Masar ay yeelanayaan in lagu soo darayo xaaladda geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here