Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa lagu warramayaa inuu diiday la kulanka Netanyahu, kaddib dadaallo uu Mareykanka ku doonayay inay kulmaan, iyadoo Al-Sisi uu ku xiray la kulanka Netanyahu inuu marka hore isbeddel ku yimaado hab dhaqankiisa,
isla markaana ka tanaasulo qorshaha uu wali doonayo ee Falastiiniyiinta in laga saaro marinka Qasa oo meelo ay Masar ka mid tahay loo barakiciyo, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Times of Israel.






