Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee maamulkaasi.
Wareegtadan ayaa lagu xusay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland
Madaxweynaha Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.
Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer – ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland
Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus
Saraakiishii hore ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.






