Talaado, 22 July 2025 {HMC} Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Boosaaso kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.
Deni ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka Bari, isaga oo faray in ay sii dardar galiyaan howlgallada socda.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in loo baahan diyaar garow ay sameeyaan ciidanka si loo billaabo howlgallo ka dhan ah xubnaha Daacish ee ku sugan buuraha Calmadow.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Deni uu magaalada Boosaaso u yimid howlaha la xiriira Markabka sida sahayda ciidan lagu hayo halkaasi.



