spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Soomaaliya oo Ergo udiray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ergo udiray Mucaaradka

0
23

isniin 23 Feb 2026 {HMC}  Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ah wakiillada dowladda uga qeybgalaya wada-hadallada siyaasadeed ayaa gaaray Hotel Airport ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

 

Wasiirka oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la leh madaxda Golaha Mustaqbal, kuwaas oo hotelkaasi ku leh shirar xasaasi ah, iyadoo ka filayo in go’aan ka soo saaraan shirkii shalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankii shalay dhexmaray dowladda iyo mucaaradka ayaan wax natiijo ah laga gaarin, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la hadlay xubno mucaarad ah, isagoo sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan si xal looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here