Madaxweynaha Soomaaliya oo u Safray Dalka Jabuuti.

0
39

Sabdi , 26 Jully 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safaro ku maro dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ka billaabaya dalka Jabbuuti, halkaasi oo uu maanta u ambabaxay,  ka dib diyaarad qaas ah oo ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo dhigiisa dalka Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay kulamadooda diirada ku saaraan iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu u sii gudbo magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi gaar ahaan Ra’iisul wasaare Aby Axmed.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu booqasho ku tagey dalka Masar, halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa, Cabdilcasiis Alsiisi.

Jabbuuti, Itoobiya iyo Masar ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, waxaana ay saameyn ku leeyihiin xiisadaha ka taagan Bariga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here