Isniin, 22 Seb 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac oo taariikh ku sameynaya wax ka badan nus qarni madaxweynihii u horreeyay ee Suuriya oo booqasho dheer ku jooga Mareykanka , ayaa maanta ka qeybgalay barnaamij dood wadaag ah oo uu daadihinayay madaxii hore ee CIA-da Mareykanka , David Patraeus.
Waxa xiisaha leh ee is hor dhafiga labada nin laga arkay waa inay muuqatay aqoon dheer inay isku leeyihiin, wuxuu u muuqday Patraeus, inuu ka raadinayay Sharac inuu sheego wax badan oo ku saabsan noloshiisa, mar ayuu yiri Jen. David Patraeus; “ Sharac anniga waxaan ahay taageerahaaga.”
Jen. David Patraeus , wuxuu ahaa taliyihii ciidanka Mareykanka ee ku duulay Ciraaq , wuxuuna dib u xasuusiyay Sharac, sida ay labo aag ugu kala jireen;
“ Ciraaq waan iska soo horjeednay, aniga waxaan ahaa taliyihii ciidanka , adigana waxaad ku jirtay xabsi, laakin maanta xaaladan ayaa isku horfadhinaa adigoo ah madaxweynaha Suuriya.”
Sharac, wuxuu u muuqday qof aan dooneyn inuu ku dheerado arrimihii horey u dhacay, wuxuuna ku jawaabay; “ Waxaan ka soo gudubnay marxaladii dagaalka, waxaana u gudubnay wadahadal.”
Wada-hadalkan wuxuu muujinaya Jen. David Patraeus, inuu yahay qofka haya xogta Sharac in ka badan qof kasta oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka Mareykanka , xataa lagama tagi karo inuu wax ku lahaa go’aaminta Sharac in laga soo saaro is qarinta oo aan laga hor istaagin inuu noqdo madaxweynaha Suuriya, marka la tixraaco inuu Jen. Patraeus sheegay inuu yahay taageeraha Sharac, taasi waa inuu hab-dhaqanka iyo dabeecadihiisa wax ka garanayo oo uu xiiseeyo.






