spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Suuriya oo ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF.

Madaxweynaha Suuriya oo ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF.

0
15

Isniin 19 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF, kaasoo dhigaya in guud ahaan la kala diro oo meesha laga saaro jiritaanka kooxda Kurdida ee SDF, iyadoo hoggaamiyaha SDF, Mazloum Abdi oo heshiiska la sheegay hab online ah inuu ku saxiixay awoodiisa la baabi’iyay. Waxay dawladda Suuriya , la wareegtay ceelasha shidaalka iyo xuduudaha waqooyiga iyo bariga ee ay ku xoogganayeen SDF.
Qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska;

•Dhammaan hay’adaha rayidka ah si buuxda ayaa loogu dari doonaa dawladda Suuriya.
•Ceelasha shidaalka oo dhan waxaa si toos ah ula wareegi doonta dawladda Suuriya.

•Xubnaha SDF waxay si shaqsi ah ugu biiri doonaan Wasaaradda Difaaca Suuriya, mana geli doonaan iyagoo kooxo ama guutooyin ah. Ka hor inta aysan ku biirin, waxaa la mari doonaa hubin amni, iyadoo la siinayo ammaan deegaannada Kurdida.

•Madaxweynaha Suuriya wuxuu soo saari doonaa wareegto madaxweyne oo lagu magacaabayo guddoomiyaha gobolka Hasakah.

•Hubka culus waa laga qaadi doonaa Cayn al-Carab (Kobane), waxaana halkaas laga dhisi doonaa ciidan amni oo maxalli ah oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

•Dawladda Suuriya ayaa la wareegi doonta xabsiyada iyo xeryaha ay ku jiraan Daacish iyo qoysaskooda.

•Dawladda Suuriya waxay oggolaan doontaa shakhsiyaadka ay SDF soo jeediso in lagu daro hay’adaha dawladda.

•SDF waxay ballanqaadday inay ka saarto xubnaha PKK ee aan Suuriya u dhalan.
•Dawladda Suuriya waxay sii wadi doontaa dagaalka ka dhanka ah Daacish.

•Waxaa la sameyn doonaa dadaallo lagu fududeynayo dib u soo laabashada barakacayaasha Afrin iyo Sheekh Maqsoud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here