Jimco 31, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Wadanka Venezuela ayaa caawa taageerro milatari oo deg deg ah ka dalbaday Dowladdaha Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, kadib markii uu Mareykanka ku hanjabay in uu weerari doono.
Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay inuu madaxweynaha Venezuela,Nicolas Maduro taageerro deg deg ah oo milatari ka dalbaday Ruushka , Shiinaha iyo Iiraan, iyadoo codsiga uu Ruushka u dirsaday uu ka koobanyahay gantaallo, dayactir nidaamyada raadaarka, iyo hagaajinta diyaaradaha dagaalka, halka Shiinaha iyo Iiraan uu waydistay diyaarado aan duuliye lahayn, nidaamyada ka hortagga , iyo qalabka carqaladeeya GPS-ka si ay u xoojiyaan difaaca.
Warkan wuxuu soo baxay waxyar kaddib markii warbaahinta Mareykanka ay baahisay inuu Mareykanka weerarro ka fulin karo gudaha Venezuela, wallow Trump uu markii dambe sheegay inuusan wali go’aan gaarin.



