Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.
Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka ayuu qorshaha ahaa in ay Muqdisho soo gaaraan 2 bishaan, balse safarkooda ayaa dib u dhacay, ka dib markii hawada laga celiyay diyaarado ay la socdeen Wafdi horudhac ahaa.
Dowladda Federaalka oo gaartay go’aanka celinta diyaaradda ayaa sheegtay in ay saarnaayeen hub iyo shaqsiyaad aan la garan, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo sharciga xakameynta hubka.
Ka dib go’aanka Dowladda waxaa arrintaasi walaac ka muujiyay golaha mustaqbalka oo ay qeyb ka yihiin Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa dadaalada socday.
Intaasi ka dib, Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa mar kale ku heshiiyay in 10 bishaan Febraayo la qabto shirka wadashiga ee baaqday 1 dii bishaan.
Shirkaasi ayaa looga hadli doona xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, difaaca midnimada dalka iyo ka jawaabida abaaraha ka jira dalka.
Labada dhinac ayaa la filayaa in ay soo saaraan war murtiyeed ay ku soo bandhigi doonaan qoddobada la isku afgarfay.






