Talaado 30, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la qabtay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , kaddib wadahadallo ay maanta ku yeesheen Ankara.
Erdogan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay;
•Inkasta oo ay jireen falal kala duwan oo carqaladayn ah oo ay sameeyeen dad aan doonayn in Soomaaliya dib u istaagto, haddana horumar weyn ayaa laga sameeyay dhinaca amniga Soomaaliya.
Iyadoo loo marayo tababarka iyo taageerada qalab ee aan siinay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka socday Xarunta Tababarka Militariga Turkiga, waxaan muujinnay garab-istaaggeenna Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Waxaan ku faraxsanahay inaan aragno in ciidamada Soomaaliya ay dhawaanahan guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
•Markabkeenna cilmi-baarista seismic-ka ah, Oruç Reis, ayaa sagaal bilood cilmi-baaris ka waday biyaha Soomaaliya.
Daraasadahaas, oo lagu sameeyay dhul-badeed dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran, waxay ahaayeen markii ugu horreysay ee taariikhda laga sameeyo Soomaaliya.
Marxaladdan, waxaan qorsheynaynaa inaan billowno hawlgallada qodista sannadka 2026. Hawlgalladani waxay wax weyn ku soo kordhin doonaan nolosha iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.
Intaa waxaa dheer, Turkiga wuxuu howlgalkiisa ku daray laba markab oo cusub oo qodista badda si qoto-dheer, mid ka mid ahna wuxuu ka hawlgeli doonaa xeebaha Soomaaliya.
Waxaan hirgelinaynaa iskaashi taariikhi ah oo aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya dhinaca hawada sare (space),iyadoo la raacayo heshiisyada aan saxiixnay, waxaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare (spaceport), isla markaana aan abuurno kaabayaal la xiriira ridista dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada satellite-ka.
•Ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya xaalad kasta waa arrin mudnaan gaar ah noo leh.
Go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland waa mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.
Go’aamada la xiriira mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka Somaliland waa in loo qaataa qaab ka tarjumaya rabitaanka dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaan si adag u sii wadi doonnaa taageeridda midnimada dhuleed iyo wadajirka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana garab istaagi doonnaa shacabka Soomaaliyeed inta uu geeddi-socodkani socdo.






