Madaxweynayaashii Hore ee Mareeykanka oo War Kasoo Saaray Rabshadaha ka socda Dalkaasi.

0
33

Isniin  26, Jan 2026 {HMC}  Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka, Barack Obama oo ka falceliyay rabshadaha iyo dilalka dadka rayidka ah ee ka socda Gobolka Minnesota ayaa dhaliilay howlgalka Ciidanka Socdaalka iyo Kastamka dalkiisa ee ICE ay ka wadaan Gobolkaas.

Barack Obama ayaa musiibo qali jab ah ku tilmaamay dilkii Ciidamada ICE ay u gaysteen Alex Pretti, waxaana uu Madaxweynaha talada haya ee Donald Trump uu usoo jeediyay in uu si hoose u eego waxna uga qabto dhibaatooyinkaas jira.

Obama ayaa arrin aan indhaha laga daawan Karin ku tilmaamay waxa ka socda Gobolka Minnesota isaga oo is dhinac dhigay sharciga la ilaalinayo ee lagu raafayo Dadka sharci darrada ku jooga dalkiisa iyo dhiigga la daadinyo.

“Dadka oo dhan waxa ay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo waji-xiran iyo Wakiillo kale oo Federaalka ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku howlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, laguna kiciyo dadka, tani waa khatar weyn oo dadka & dalka kusoo wajahan” Ayuu yiri, MW hore Barac Obama.

Waa uu sii hadlay waxa uu Hadalkiisa sii raaciyay “Maamulka Trump waxa uu u muuqdaa in uu xiisaynayo in xaaladdu sii xumaato, ma jiro wax baaritan ah oo dhab ah oo lagu samayn doonno arrintaan, waa tallaab si cad uga hor imaanaysa Sharciga”.

Rabshadaha ka socda Gobolka Minnesota ayaa sii xooggaystay, waxaa markaan kusoo biiray Shirkadaha Ganacsiga waa wayn oo Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu ka dulqaado ciidamada ICE si dibadbaxyadu u joogsadaan una shaqaystaan.

Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.

Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.

Wuxuu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.

Madaxweyne hore Clinton ayaa si gaar ah uga hadlay labadii qof ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee Renee Good iyo Alex Pretti.

Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.,

Bayaanka Clinton waxaa sidoo kale ku jiray baaq ah in dadka Mareykanka ah ay codkooda u istaagaan si ay u muujiyan in dalku weli leeyahay mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo inay ku jirto gacanta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here