isniin 23 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo muddo laba toddobaad ah ku sugnaa Hoteel ku yaalla Xeyndaabka Xerada Xalane ayaa goordhaw u safray magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa Xubnihii Golaha Mustaqbalka ee wada hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulamadaasi ayaa la sheegay in ay u fashilmeen ka dib markii labada dhinac ay muujin waayeen tanaasul.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro Doorasho goleyaasha deegaanka ah ee gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Halka Xubnaha Mucaaradka ay soo jeediyaan in marka hore la qabto doorashada Maamuladaasi Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, ka dibna laga wada hadlo mid heer Federaalka.
Tagida Axmed Madoobe ayaa muujineysa in dhinaca Mucaaradka ay ka baxeen wada hadallada, iyadoo Xubnaha Beesha Caalamka ay saacadihii la soo dhaafay waan waan ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.






