Axad 14 April , 2024 {HMC} Madaxweyne Biden iyo xubnaha amniga Mareykanka ayaa lagu warramaya inay ku laabteen qolka xaaladaha ee Aqalka Cad.
ujeedka kulanka ayaa ah sidii ay wada-hadallo dheeraad ah uga yeelan lahaayeen weerarkii dowladda Iiran ay ku qaaday Israa’iil, sida u baahiyay telefishinka mareykanka ee CNN.
CNN ayaa sheegay in lawada fahansan yahay kulanka in looga hadli doono wada-hadalkii ay yeesheen Biden iyo Netanyahu, kaaso wararka ay ka baahiyeen warbaahinta Israa’iil lagu sheegay inuu Biden u sheegay Natanyahu inaysan Israa’iil ka jawaabin weerarka Dowladda Iiran.
si rasmi ah looma oga goaanka ay wada qaadan doonaan israiil iyo mareykanka oo ku saabsan weerarkii Caawa ay Iiraan ku qaaday Israa’iil.



