spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweyne Cirro iyo wiilkaTrump oo kulmay.

Madaxweyne Cirro iyo wiilkaTrump oo kulmay.

0
19

Khamiis  22-Jun 2026 {HMC} Daqiiqado yar ka hor waxaan tebinnay kulanka madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Haatan madaxweyne Cirro ayaa isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaateeen Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog.

“Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israel”, ayuu ku yiri qoraalka madaxweynaha.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in kulanka ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa sheegay inay magaalada Davos ee dalka Switzerland ku kulmeen madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter ayuu ku yiri:

“Waxaan faraxsanahay in aan kula halkan Davos kula kulmay madaxweynaha Somaliland, Cirro. Waxaan soo dhoweynayaa dhismaha xiriirka diblomaasiyadeed ee labadeenna dal, waxaana rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga laba geesoodka ah ee faa’iidada u leh shacabka labada dhinac”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here