Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga sheegay in ay taageersan yihiin qorshaha nabadda Qasa ee Trump horkacayo.
“Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay hindisaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump ee Qaza ee dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
“Waxaan xaqiijinaynaa aaminaaddeenna ah in ay wada noolaan karaan quruumuhu iyo in nabadda ay tahay waddada keliya ee waarta ee xasilloonida iyo wada noolaanshaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Cirro






