Axad 22 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro sidii heshiis loo gaari lahaa si loo gaaro danta Dalka oo ah in uu dunida inteeda kale wax la qaybsado sida uu hadalka u dhigay.
“In la heshiiyo ayay Danta Dalkaan ku jirtaa, runtii annagu dhab buu naga yahay heshiisku, Dalkaan in uusan culays kale sii fuulin baa na damqaysa” Sidaasi waxaa yiri, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxa uu soo hadal qaaday Madaxda Dowlad-Goboleedyada sababta ay labada dhinac u kala noqdeen Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed, waxa uu si toos ah ugu sheegay in ay qabsadaan doorasho maadaama muddo xileedkoodu dhammaaday.
“Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed waqtiga wuu ku dhammaaday waa in ay doorashada qabsadaan, runtii Madaxweyneyaasha hadda jooga ee xilku ka dhammaada taariikh adag baa haysata, labo heer ayaan kala noqonay oo aniga waala isoo doortay halka iyaguna ay ku joogaan doorasho la’aan” Ayuu yiri, MW DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Saddexda Dowlad-Goboleed ee Madaxweyne Deni uu soo hadal qaaday weli kama hadlin fariinta uga timid Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaana lagu wadaa in ay jawaab kasoo saaraan arrintaan.






