Sabti 4 April 2026 {HMC} Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay waxaa ka billowday kulamo looga hadlayo mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo sidii Bulshada ay uga tashan lahayd howlaha geedi socodka Maamulkaas sida ay u sheegeen ilo kala duwan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Federaalka ee uga sii horreeyay Magaaladaas iyo xubno katirsan Maamulka Koofur Galbeed.
Kulamada xooggooda waxa ay mas’uuliyiintu la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashto Doorashada Dowladda Federaalka kol hore ay sheegtay ee dadweynaha si Shacabka ay u doortaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee Koofur Galbeed.



