Khamiis 28 Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiiru-Dowlaha booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa farriin gaar ah u diray dhigiisa Imaaraadka Carabta, isagoo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.



