Sabti 11 April 2026 {HMC} Madaxweyne ku-xigeenka Wadanka Mareykanka, JD Vance oo ka dhoofey Paris ayaa ku wajahan Islamabaad, Pakistan halkaasi oo saacad ka hor ay gaadheen Guddoomiyaha Baarlamanka & Wasiirka Arrimaha-dibedda Iiraan oo hoggaaminaya weftiga Iiraan.
“Wada-hadalladu wey guuleysanayaan, haddii Mareykan aqbalo shuruudeheenna” — Weftiga Iiraan ayaa u sheegey warbaahinta, iyada oo shuruudaha wada-hadal ee Iiraan ay ka mid tahay; Magdhow laga bixiyo khasaaraha & Mareykanka oo ka baxa Bariga-dhexe.




