Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

0
13

Jimco 20 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidamadaan oo kamid noqon doona howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga ayaa tababaray saraakiisha ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Laftagareen ayaa ku boggaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

May be an image of one or more people and text

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud.

Tababarka loo soo xiray Ciidanka ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Koofur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here