spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweyne oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku marti-qaaday kulan qado iyo soo dhoweyn...

Madaxweyne oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku marti-qaaday kulan qado iyo soo dhoweyn ah.

0
63

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku marti-qaaday kulan qado iyo soo dhoweyn ah kaasi oo beri oo Talaado ah ka dhici doona Hotelka Decale ee ku dhax yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in kulanka qadada ah ee beri uu hordhac u yahay Shirka ay isugu imaanayaan Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka oo sida qorshuhu yahay ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhaw Villa Somalia islamarkaana looga hadli-doono arrimaha siyaasadda dalka sida doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka badelka dastuurka.

Kulanka wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here