Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin , ayaa maanta saxiixay sharci rasmi ah oo Ruushka uga baxayo heshiiskii uu kula jiray Yurub oo mamnuucayay jirdilka dadka, kaasoo Ruushka uu ku biiray sannadkii 1998 , sida ay werisay Reuters.
Heshiiskan waxaa markii hore loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan maxaabiista iyo dadka ku jira xarumaha xabsiyada iyo sugidda amniga, iyadoo la siinayo guddiyo madaxbannaan awood ay ku kormeeraan xaaladahaas.






