Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, inuu Baarlamaanka ka dhex wado hawlo ka baxsan shaqadii loo igmaday.
Sidoo kale, wuxuu u mahad celiyay xildhibaannada maalmahan waday kacdoonka ee ka hor yimid wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Madaxweyne Deni ayaa ku boorriyay xildhibaanada in ay sii wadaan ilaalinta mas’uuliyadda loo doortay. Wuxuu sheegay in waxa hadda ka socda Baarlamaanka aysan ahayn shaqadii loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah iyo in si furan looga wada hadlo jihada siyaasadeed ee uu dalku u socdo.
Hadalkaan ayuu madaxweyne Deni ka jeediyay kulan caawa lagu soo dhoweynayay isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kana dhacay magaalada Muqdisho.
Deni ayaa sheegay in dalka uu si degdeg ah ugu baahan yahay doorasho loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in marxaladda hadda la joogo aysan ku filnayn hadal iyo dood aan miro dhal ahayn.
Wuxuu xusay in loona baahan yahay in la ilaaliyo xeerarka iyo shuruucda lagu heshiiyay.
“Dalka waxa keliya ee ka dhiman waa in doorasho la qabto; wixii kale waa iska hadal,” ayuu yiri Deni.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni wuxuu caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la yeeshaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deni waxa uu ku celiyay inay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, ayna u yimaadeen Muqdisho sidii loo gaari lahaa heshiis dhab ah oo dan u ah ummadda Soomaaliyeed.






