Madaxweyne Somalia oo u safray dalka Jabuuti

0
6

Arbaco 11 March 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray dalka Jabuuti, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kula yeesho dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale la qorsheynayaa in ay ka wada hadlaan arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xiisadda ka taagan qeybo kamid ah Caalamka sida Bariga Dhexe.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markuu saxiixay Dastuurka dalka.

Jabbuuti ayaa kamid ah dowladaha sida dhow Soomaaliya uga taageera dagaalka AS iyo ilaalinta Madaxbannaanida dalka.

Dhawaan Jabuuti ayaa si adag u diiday aqoonsi ay Israa’iil sheegtay in ay siisay Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here