Madaxweyne Trump oo amar ku bixiyay in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo gala Venezuela.

0
13

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amray in ” si guud oo dhammaystiran” la xannibo dhammaan maraakiibta shidaalka ee la cunaqabateeyey ee gala ama ka baxa Venezuela.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay in dowladda Venezuela ee uu hoggaamiyo Nicolás Maduro loo aqoonsaday urur argagixiso oo ajnabi ah, wuxuuna ku eedeeyay inay xaday hantida Mareykanka, iyo sidoo kale “argagixiso, tahriibinta daroogada, iyo ka ganacsiga dadka”.

“Sidaas darteed, maanta, waxaan amrayaa in la joojiyo si dhammays tiran dhammaan maraakiibta shidaalka ee la xayiray ee galaya, kana baxaya Venezuela,” ayuu raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay todobaad kadib markii Maraykanku uu ku qabtay markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela. War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Venezuela ayay ku sheegtay in ay diiday “halista foosha xun ee Trump”.

Dowladda Venezuela ayaa ku eedeysay madaxweyne Trump inuu bilaabay hanjabaado dagaal, kadib markii uu ku dhawaaqay go’doomin lagu sameeyay dhammaan maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Venezuela ayaa sheegtay in safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay uu ka warbixin doono ku xad gudubka sharciga caalamiga ah, isla markaana dadkeeda, militariga iyo booliiska ay difaaci doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here