spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweyne Trump Oo is weydiinaya sababta Iiraan aysan weli “isu dhiibin”

Madaxweyne Trump Oo is weydiinaya sababta Iiraan aysan weli “isu dhiibin”

0
11

isniin 23 Feb 2026 {HMC} Khamiista waxaa la filayaa in Mareykanka iyo Iran uu u bilowdo wareegga sadexaad ee wadahadalladooda ku saabsan barnaamujka nukliyeerka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in kooxdiisa wada-xaajoodku ay weli diyaarinayaan soo-jeedintooda ka jawaabaysa tan Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump,  iyadoo wajahaysa dhoollatuska millatari ee Washington ka waddo Bariga Dhexe, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Steve Witkoff.

Wasiirka arrimaha dibedda Iraan, Cabbaas Caraqji ku adkeysanaya in barnaamijka kobcinta nukliyeerka ee Iiraan uusan ahayn mid laga wada-xaajoon karo.

Donald Trump ayaa siiyay Tehran wax ka yar toddobaad si ay heshiis u gaarto, haddii kale ay wajihi doonto tallaabo milatari.

Witkoff ayaa Sabtidii u sheegay Fox News in Trump uu “la yaabban yahay” mowqifka Iiraan, kaddib markii uu uga digay in la qaadi karo weerar millatari oo xaddidan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee Tehraan.

Donald Trump ayaa siiyay Tehran wax ka yar toddobaad si ay heshiis u gaarto, haddii kale ay wajihi doonto tallaabo milatari.

Dhanka kale, gudaha Iiraan, mudaharaadyo ka dhan ah dowladda ayaa ka dhacay jaamacado dhowr ah dhammaadkii toddobaadka—kuwaas oo ah isu-soo-baxyadii ugu horreeyay ee baaxaddan leh tan iyo cabburintii rabshadaha lahayd ee bishii January ay sameeyeen maamulka, taasi oo sababtay dhimashada kumannaan qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here